Qofkii ugu horreeyay ee laga soo tarxiilay UK oo soo gaadhay Afrika

Britain ayaa u dirtay Rwanda qof ku guuldareystay in uu helo magangalyo markii ugu horeysay isagoo raacaya barnaamij iskaa wax u qabso ah.

Ninkan ayaa la sheegay in Isniintii uu ku dhoofay diyaarad ganacsi, waxaana la siiyay lacag ku dhow afar kun oo dollar si uu halkaa ugu guuro.

Qorshahan ayaa ah mid ka duwan qorshaha dowladda Britain ay ku dooneyso inay si qasab ah ugu tarxiisho dadka aan sharciga heysan dalka Rwanda.

Soo jeedinta oo ay dhaleeceeyeen kooxaha xuquuqul insaanka iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa ansixiyay baarlamaanka todobaadkii hore.

Dawladdu waxay doonaysaa inay bilawdo musaafurinta dadkan bisha Luulyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker