Aktarka Shah Rukh Khan Oo Loo Haysto Qaabka Uu Ugu Duceeyey Meydka Lata Mangeshkar

Jilaaga weyn ee Bollywood Shah Rukh Khan ayaa ka mid ahaa Fanaaniinta iyo jilayaasha ka soo qaybgalay aaska Lata Mangeshkar ayaa isugu jiray Masixiiyiin, Hindu iyo Muslimiin kuwaas oo u ducaynayay haweenayda dhimatay hase yeeshee Shah Rukhan ayaa loo haystaa candhuuf uu ku tufay meydka.

Fanaanada Bollywoodka Lata Mangeshkar, ayaa aaskeeda waxa lagu qabtay beerta Shivaji ee magaalada Mumbai 6-dii Febraayo 2022.

Markii la gaaray xilligii uu Shahrukh Khan u ducayn lahaa maydka Lata Mangeshkar, waxa uu ku aqriyay duco oo uu ku dul afuufay jirkeeda.

Balse jilaaga ayaa isla markiiba ficilkiisa waxaa loo badelay inuu aflaagdaynayo ama u gafayo fanaannada geeriyootay taasi oo hadallo badan oo Islaam nacayb ah ka abuurtay baraha bulshada.

Dadkaasi ayaa ku andacoonaya in Shahrukh Khan uu si dhab ah ugu tufay jirkeeda canduf ayna xushmad darro ku tahay Lata Mangeshkar.

Muslimiin badan oo isticmaala baraha bulshadaah ayaa taageero weyn u muujiyay jilaaga iyagoo sheegaya in qofka lagu tufo ay tahay wax caadi ah marka la eego dhanka diinta Islaamka.

“Islaam nacaybka sii kordhaya ayaan xitaa ka tagin jilaaga caanka ah ee Bollywoodka inuu si cad ugu dhaqmo diintiisa.” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii jilaaga taageerayay.Jilaaga Shah Rukh Khan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo badanaya tan iyo markii uu ka soo muuqday aaska Lata Mangeshkar. Dhawr qof ayaa si khaldan u fahmaayey dareenkiisa markii uu ku maamuusayey fannaanka geeriyooday.

Taageerayaasha Jilaaga Shah Rukh Khan ayaa bilaabay inay khadka internetka uga difaacaan ka dib markii su’aalo la iska weydiiyay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker