Komishanka Doorashooyinka iyo Taiwan oo ka wada hadlay hawlaha doorashada madaxtooyada
Masuuliyiinta Saafaradda Taiwan ee Somaliland, ayaa booqday xarunta dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL.
Xubnaha KDQ oo uu hoggaamiynayo Guddoomiyaha Komishanka Mr.Abdirashid Riyo raac iyo Madaxd safaarada Taiwan waxa ay ka wada hadleen qorshayaasha ku saabsan Doorashooyinka la filaayo in ay qabsoomaan sanada soo socota 2022.
Dalka Taiwan waxa ay hore ugu caawiyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL kharashka lagu hirgelinaayo barmaamujka lagu hubinaayo Codbixiyayaasha wakhtiga doorasha iyada oo la isticmaalaayo qalab casriga ah ee lagu hubinaayo Indhaha codbixiyayaasha. (Biometrics Iris Voter Verification System).
Khubarada KDQ JSL waxa ay sharaxeen hanaanka uu shaqaynaayo Barmaamujka lagu hubinaayo Codbixiyaha.
Khubarada KDQ JSL waxa ay sharaxeen hanaanka uu shaqaynaayo Barmaamujka lagu hubinaayo Codbixiyaha iyo sida ay u dhacayso Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.

