Dawlada Awooda Badan ee Dalka Turkiga oo u Sacabo Tumaysa Gantaalaha S-400 oo ay ka Iibsatay Dawlada Ruushka kuna Soo Gaadhaya wax ka yar 60. Maalmood

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay inuu dalkiisa gantaallada lidka diyaaradha ee S-400 uu Ruushka sameeyo uu dalkiisu dhawaan hananayo.
Wuxuuna Mr Mevlut hadalkaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Ankara.
Turkigana wuu dareemayaa ayuu yiri xulafadiisa gaashaanbuurta NATO sida ay u daneeynayaan hubkaasi inaan Ruushka ka iibsanno.

“Waxaanna marwalba tixgelineynaa talooyinka nooga imanaya xulafada NATO inkasta oo waxwalba laga horumarinayo rabitaanka dalka Turkiga”.
“NATO waxaa loo baahan yahay iney fahmaan baahida uu Turkiga u qabo inuu adkeeyo hawada dalkiisa gantaallada S-400 ay qayb ka yihiin qorshaha Turkiga u yaalla inuu hawadiisa cadaw kaga ilaashado.” ayuu yiri.
Heshiiska Turkiga uu la galay Ruushka oo uu gantaallada lidka diyaaradaha S-400 kaga iibsanayo ayaan farxad gelinin Washington, iyada oo weliba ka digtay haddii uu Turkiga uu tallaabadaasi uu qaado ay ka saareyso kaalinta ay ku lahayd soo saaridda diyaaradda F-35 isla-markaana ay xulafada NATO kala kulmi doonto cunaqabateeyno kale.

Laba bilood kaddib waxaa dalka Turkiga soo gaaraya Gantaalladi ugu horreeyey ee S-400 oo uu Turkiga Ruushka ka soo iibsaday.
Wafdi wasiirro ka kooban oo Turkiga ka socda ayaa toddobaadkan booqasho ku tagay Washington si ay u dajiyaan xiisadda Mareykanka kala dhaxeysa ee ku saabsan hubka Turkiga uu Ruushka ka iibsanayo.
Kusimaha wasaaradda arrimaha dibadda mareykanka Patrick Shanahan, wuxuu warbaahinta u sheegay wadahadallo ay Turkiga la yeesheen kaddib iney isku soo dhawaadeen ayna u dhaw yihiin iney heshiis kama dambeys ah ka gaaraan khilaafka labada dhinac u dhaxeeya ee la xidhiidha iibsashada hgantaallada lidka diaaradaha ee S-400.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa isagana horay u sheegay inuu dalkiisu uu bixiyay carbuunta heshiiskan oo lagu qiyaasay 2.5 bilyan oo doolar.
Turkiga ayaa leh ciidammada labaad ee ugu badan ee Gaashaanbuurta NATO, dalalka xulafada ku jirana waxaa lagu booriyay in ay iibsadaan hub kuwaas u dhigma.

Turkiga ayaa calaaqaad dhaw la yeeshay Ruushka wixii ka dambeeyay markii uu xumaaday calaaqaadkii ay la lahaayeen Maraykanka.
Turkiga ayaa ka soo horjeeda taageerada Maraykanka ee jabhadda YPG ee Kurdiyiinta Suuriya.
Ruushka ayaa sheegay in hannaanka S-400 uu gaari karo 400km wuxuuna isku mar soo ridi karaa 80 bartilmaameed.
Ruushka ayaa S-400 ku rakibay saldhigiisa ciidamma cirka ee ku yaala meel u dhaw magaalada Latakia ee dalka Suuriya bishii Disembar ee 2015kii, ka dib markii diyaaradaha dagaalka ee Ruushku ay soo rideen diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay oo nooceedu ahaa Su-24, taas oo maraysay xadka Suuriya iyo Turkiga.
Arrintaas ayaa horseeday muran dublamaasi oo dhex maray Ruushka iyo Turkiga, laakiin madaxweyne Erdogan ayaa meesha ka saaray madmadawgii soo kala dhex galay madaxweyne Vladimir Putin.
