Faransiiska Oo Xabsiga Dhigay Nin 84 Jir Ah Oo Weeray Masaajid Ku Yaala Magaalada Bayonne

Laamaha Amniga Faransiiska ayaa xabsiga dhigay la tuhme loo heesto in laba nin uu toogasho ku dhaawacay iyaga oo taagnaa afaafka hore ee masaajid ku yaal dhanka koonfur Galbeed  ee Dalkaasi faransiiska, sida ay booliska Sheegeen.

Ninkan oo 84 jir ah ayaa rasaas ooda uga qaaday laba nin oo da’doodu ay tahay 74 jir iyo 78 kuwaasi oo ka hortagay isku day uu ku doonayay in uu dab ku qabadsiiyo masaajidkan ku yaal magaalada Bayonne.

Dhibanayaasha dhaawaca uu soo gaaray ayaa la dhigay isbitaal ku yaal magaaladaas.
Warsaxaafadeed ka soo baxay booliska ayaa lagu xaqiijiyay in la tuhmaha oo saarnaa gaari lagu qabtay meel u dhow gurigiisa isaga oo wata qori.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka danbeysa weerarkan balse wasiirka amniga Faransiiska Mr Christophe Castaner ayaa xaqiijiyay in baaritaano ay wadaan.

Hogaamiyaha xisbiga midigta Marine Le Pen oo marar badan lagu eedeeyay weerarada Muslim naceybka ayaa canbaareysay falkaan.

Waxay sheegtay in weerarkaan uu yahay mid ka dhan ah dhamaan qiimaha nolosha bani aadamka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker