Xaaska taliyaha sirdoonka Ukraine oo la sumeeyay iyo faahfaahin ka soo baxaysa arrintaas

Afhayeenka sirdoonka Ukraine ayaa  sheegay in xaaska taliyaha sirdoonka ee Ukraine, Lt. Gen. Kyrylo Budanov, Marianna Budanova, la sumeeyay.

Andriy Yusov ayaa sheegay in dhowr qof oo kale laga helay calaamado daran oo muujinaya in iyagana la sumeeyay. Warbaahinta Ukraine ma aysan sheegin in Ruushku ku lug leeyahay arrintaan iyo in kale.

Ma jirto calaamad muujinaysa sidoo kale in General Budanov qudhiisa la sumeeyay.

Jeneraalka ayaa madax ka ah hay’adda sirdoonka ee magaceeda loo soo gaabiyo DIU ee Ukraine, oo door weyn ka qaadata mararka qaar fulinta howlgallada ballaaran ee ka dhanka ah ciidamada Ruushka, ka dib duulaankii lagu qaaday magaalada Moscow bishii Febraayo ee 2022-ka.

Illo ka tirsan sirdoonka Ukraine ayaa horay BBC-da ugu sheegay in haweneydaan lagu daweynayo isbitaal ka dib markii ay xanuunsatay.

Website-ka Babel, oo shalay markii ugu horeeysay baahiyay warkaan ah in la sumeeyay xaaska taliyaha sirdoonka Ukraine, ayaa sheegay in Ms Budanova loo qaaday isbitaal ka dib markii ay dareentay “xanuun”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker