Qiimaha maceeshada iyo shiidaalka oo kor u kacay , shay kastaa halka uu maraayo

Shaxdani xaga hoose taalaa waa qiimaha raashinka daruuriga ahi inta uu qiimahiisu ahaa kal hore ta ka sii hoosaysaana waa inta uu maraayo hada waxa kuu soo baxaysa sida qiimaha raashinku uu sare ugu kacay waxana aad dareemaysaa sida ay dadka danyarta ahi ay dhib xoogani uga soo gaadhayso iyada oo uu guud ahaan dunida sicir bararku uu saameeyay hadana waxa aad dareemaysaa in uu inaga si xoogan uu inoo saameeyay waxana haboon in xukumaddu ay jabiso cashuurta raashinka soo degaaya sida bariiska iyo daqiiqda baastada iyo shiidaalka oo iyagu mihiim ah, tan iyo xiliga lagu jiro xanuunka safmarka ee Karoonaha ( Coronavirus )

Kal hore 2020/2021.
Kalhore Suuqa Hargeysa 2020
1. Sonkor 50kg ………….$24/206,400
2. Daqiiq 50kg …………..$20/172,000
3. Bariis 50kg……………$26/223,600
4. Baasto 10kg …………..$7/60,200
5. Saliid 20Ltr ………….$17/146,200
6. Shiidaal Petrol 1Ltr…$0.56/4,800
7. Shiidaal Desiel 1Ltr…$0.52/4,500
TOTAL/ISUGAYN……$95.08/817,700 Slsh.
Sanadkani waliba bishani aynu ku jirno bisha ku xigta oo la galaayo sanadkii cusbaa waxa uu qiimaha meceeshadu u kacay si waali ah oo aan marnba la filanaynin waxana aad uga qayliyay guud ahaan bulshada reer Somaliland gaar ahaan dadka danyarta ah, waxana haboon in dadka loo dalbo gargaar caalami ah gaar ahaan raashin ama dalalka saxiibka dhow la ah Somaliland ee hodanka ah laga dalbado gurmad saxiibtinimo si loo baajiyo baahiyo badan oo la soo dersa dadka saboolka ah ee ku dhaqan dhamaan gobolada kala gadisan ee dalka
Kor u kaca
December 2021
1. Sonkor 50kg ………….$32.5/280,150Slsh
2. Daqiiq 50kg …………..$27/241,360 Slsh
3. Bariis 50kg……………$28/232750 Slsh
4. Baasto 10kg …………..$9/77,580
5. Saliid 20Ltr ………….$32/275,840
6. Shiidaal Petrol 1Ltr….$0.87/7,500Slsh
7. Shiidaal Desiel 1Ltr….$0.70/6000Slsh
TOTAL/ISUGAYN…$130.07/1,121,200Slsh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker