Xayawaan Soomaaliya Ku Noolaan Jiray Oo Dunida Ka Dabar Go’ay 50 Sano Ayaa Jabuuti Laga Helay
Xayawaan yar oo xajmigiisu le’eg yahay una eg Jiirka ama doolliga hadba sida aad u taqaano oo saynisyahanadu sheegaan in ay dunida ugu dambaysay 50 sano lana moodayay in uu ka dabar go’ay dunida ayaa ugu dambayn lagu arkay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Noolahan Jiirka la’eg balse ay maroodiga isku isir yihiin ayaa dalka Jabuuti laga heley ka dib markii la waayay 50 sano ka hor.
Ka dib muddadaas oo la raadinayay, waxaa hadda laga helay dalka Jabuuti, waxaana la sheegay in Maroodiga ay isku farac yihiin, balse itaal ahaan wuxuu la’eg yahay jiirka sidoo kalena u muuqaal dhow inkasta oo ay astaamo badan ku kala duwan yihiin sida afka.
Markii ugu dambeysay ee noolahan la arkay waxa ay ahayd 1970-maadkii sida ay seeynisyahanada qabaan. Markii ugu dambeysay waxaa lagu arkay dalka Soomaaliya. Hadda dalka Jabuuti ayaa laga heley ka dib baaritaanno cilmibaaris ah oo ay seeynisyahanno sameeyeen.
Noolahan oo ka mid ah naasleydu, ma aha jiir, mana aha maroodi, balse waxaa la sheegay in uu la isir yahay bahda maroodiga. Wuxuu leeyahay xubin u eg foolka maroodiga, wuxuuna cunaa cayayaanka.
Waxaa jira illaa 20 nooc oo ah kuwa loo yaqaan sengis guud ahaan caalamka. Noolahan la helay 50 sano ka dib waxaa lagu magacaabaa Somali Sengi (Elephantulus revoilii) waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha la yaabka leh ee seynisyahanada ay ogaadeen.
Noolahan waxaa markii hore lagu arki jiray Soomaaliya oo keli ah, waana sababta loogu bixiyay magaca Somali Sengi.
Steven Heritage, oo ah cilmibaare dhanka Seyniska ah oo ka tirsan jaamacadda Duke ee ku taalla dalka Mareykanka oo sidoo kale xubin ka ahaa khubaradii socdaalka ku yimid geeska Afrika ee 2019-kii, ayaa sheegay in uu ku farxay “in markale la helo” nocyadan dooliga u eg.
Wuxuu BBC u sheegay: “Xaqiiqadii aad ayaan ugu farxanay uguna riyaaqnay markii ugu horeysay ee aan aragnay noole jiir la’eg balse maroodiga ay isku isir yihiin oo Jabuuti laga heley kaas oo lagu magacaabo Somali sengi.
Cilmibaadhayaasha aragtida noolahan markii ugu dambeysay ee ay diiwaangaliyeen waxay ahayd sannadkii 1968-kii. Cilmibaarayaashu waxay dhigeen 1,000 dabin oo lagu xidhay 12 goobood oo kala duwan, waxaayna arkeen 12 nooc oo ah Somali Sengis ah.
Ka dib, Seynisyahannadu waxay baadheen hiddo-sidaha, markaasi oo la ogaaday in nooca loo bixiyay Somali Sengis uu yahay midka ugu dhaw ee ay isku midka yihiin noocyada Sengis ku nool dalalka Morocco iyo Koonfur Africa.
Seynisyahanada waxay ka war heleen warar sheegaya in dalka Jabuuti lagu arkay. Xuseen Rayaale, oo ah cilmibaadhe dhanka deegaanka ah ayaa ku biiray kooxdii dabagalka ku haysay isaga oo rumaysnaa in uu arkay jiirkan u eg Maroodiga.
Steven Heritage ayaa intaa ku daray in dadka ku nool dalka Jabuuti aanay u haysan in noocan sengis uu soo “lumay”, haddana ay cilmibaadhistan cusub ay noolaha Somali Sengi dib ugu soo celisay gacanta bahda seynisyahannada oo uu qiimo wayn ugu fadhiya.
Noocan noolaha loo yaqaano Somali Sengi wuxuu ka mid yahay 25 “nooc oo ay si wayn ay u baadigoobaysay” hay’adda caalamka u qabailsan ilaalinta duurjoogta. Cilmibaadhistan waxaa lagu daabacay joornaalka lagu magacaabo Peer J.
