Manchester City Oo Xaqiijisay In Tababare Juanma Lillo Imanayo Kooxda

Manchester City ayaa shaacisay in Juanma Lillo uu iman doono kooxdeeda isaga oo ku-xigeen u noqonaya Pep Guardiola, waxaanu beddelayaa Mikel Arteta oo Etihad Stadium ka tegay si uu Arsenal ugu noqdo tababare buuxa.

 

 

Lillo oo ay da’diisu tahay 54 jir una dhashay waddanka Spain ayaa ka imanaya kooxda reer China ee Qingdao Huanghai oo uu tababare u ahaa iyadoo uu kula guuleystay hal horyaal, laakiin macallinkan ayaa hore u soo tababaray Pep Guardiola.

 

 

Tababare Pep ayaa dhamaadkii xirfaddiisa tegay kooxda reer Mexico ee Dorados de Sinalao oo uu waqti kooban u ciyaaray, waxaana xilligaas tababare ka ahaa Lillo, hase yeeshee maanta ayuu nasiibku iskugu keenay garoonka oo uu ku-xigeen u noqonayaa ciyaartoygii uu isagu tababaraha u ahaa.

 

 

Juanma Lillo ayaa ah khabiir kooxo badan soo maamulay, waxaana naadiyada uu muddadii dheerayd ee uu xirfadda tababarenimo uu soo layliyey ka mid ah Oviedo, Tenerife, Zaragoza iyo Real Sociedad oo intuba ka dhisan Spain, halka uu tababare ku-xigeenno kasoo noqday xulka qaranka Chile iyo kooxda Sevilla.

 

 

Hadal kooban oo uu warbaahinta siiyey ayuu Juanma Lillo ku xaqiijiyey inuu Man City ku biiray, waxaanu yidhi: “Aad ayaan ku faraxsanahay inaan ku biiro shaqaalaha tababarka ee Manchester City.

“Xidhiidhkii aan la lahaa Pep ayaa dib usoo noqday sannado kaddib, waxaanan ku faraxsanahay inaan ku biiro oo aan qayb ka noqday kooxdiisa cajiibka ah.”

 

 

Manchester City ayuu amaanay oo uu ku tilmaamay inay tahay koox kubad qurux badan ciyaarta oo sannadihii ugu dambeeyey guulo badan gaadhaysay, waxaanu xusay inay farxad u tahay inuu qayb ka noqdo kooxda oo uu wax muhiim ahna kusoo kordhin doono.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker