Ethiopia oo Jabhadda ONLF ka Saareysa Liiska Argagixisada
Golaha wasiiradda dowladda Ethiopia ayaa baarlamaanka dalkaasi u gudbiyay qaraar ururka ONLF iyo ururo kale looga saaryo liiska kooxaha argagixisada.
Agaasimaha shaqaalaha ee xafiiska Ra’iisul-wasaaraha, Fitsuma Arega ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in golaha wasiiraddu ay u gudbiyeen baarlaamaanka qaraar kooxaha ONLF, OLF, iyo Gibnot looga saaryo liiska argagisada.
Agaasimaha ayaa sheegay in goโaankanu u kooxahan ku dhiirigalin dooni inay hab nabad ah isticmaallaan si ay u gaaraan hadafkooda siyaasadeed.
Arega ayaa sheegay in golaha wasiiraddu uu ansixxiyay sharci cafis lagu siinayo shaqsiyaad iyo kooxaha ku lugta lahaa dagaalka hubeysan ee ka dhanka ahaa dowladda.
Ururka ONLF ayaa so dhaweeyay goโaanka dowladda Ethiopia. Madaxa warfaafinta ONLF oo Eritrea ku sugan ayaaย sheegay in go’aanka looga saarayo liiska uu yahay tallaabo wanaagsan.
ONLF iyo OLF ayaa sannado badan waxay dagaal hubeysan kula jireen xukuumadda Addis Abbaba.
Khubarada ayaa aaminsan in tallaabadan ay tahay mid dhinaca wanaagsan loo qaaday, balse waxay khuburaddu sheegayaan in kooxahan ay u baahan yihiin wax badan oo lagu qanciyo ka hor inta aysan hubkooda si rasmi ah dhigin