Wiil Somali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada London
Wiil Soomaali ah oo lagu dilay badhtamaha Magaalada London ee Dalka Ingiriiska, Dilka Wiilkan AHN lagu Magacaabo Nur Bashir Salad ayaa la sheegay in loo adeegsaay middi xili uu ku sugnaa badhtamaha Magaalada London,sida ay shaaciyeen Ciidamada Booliska ee Magaalada London.
Nuur ayaa da’diisa lagu sheegay 22 jir,ayaa u geeriyooday dhaawac soo gaadhay,waxaana war ka soo baxay Ciidamada Booliska London, ay sheegeen iney wadaan baadhitaano la xidhiidha Cida ka dambeysay Dilka Wiilkaasi.
ilaa iyo hadda ma jiro cid loo soo qabtay dilka AUN Nur Salad,balse Booliska ayaa codsaday in garab siiyo si ay gacanta ugu soo dhigaan Dadka dilalka u geysanaya Dhalinyarada Soomaaliyeed.
Sikastaba ha ahaate Dilalka Magaalada London loogu geysto Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa kordhay bilihii ugu dambeeyay,iyadoona arrintaasi ay cabsi badan ku abuurtay Waalidiinta Soomaaliyeed ee ku Nool Magaalada London ee Caasimada Dalka Ingiriiska.