Dhaqaatiir U Dhashay Dalka Cuba Oo Laga Afduubtay Xuduudda Kenya Iyo Soomaaliya

Koox hubeysan ayaa laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ka afduubtay xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay shaqo u socdeen, waxayna sidoo toogasho ku dileen sarkaal boolis ah oo ilaalinayey.

 

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa weriyey in booliska ay rumeysan yihiin in kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ay afduubteen dhaqaatiirtan.

 

Afhayeen u hadlay booliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay in dableyda oo watay laba baabuur oo Toyota ah ay joojiyeen baabuur siday dhaqaatiirta Cuban-ka ah iyo laba sarkaal oo la socotay, xilli ay marayeen badhtamaha magaalada Mandheera.

 

โ€œHal sarkaal ayey toogasho ku dileen, kadibna baabuurtoodii iyo dhaqaatiirtii ayey kala gudbeen xuduuda Soomaaliyaโ€ ayuu yidhi Owino.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker