Madaxwayne Vladimir Puttin oo Maraykanka ka Fara maroojiyay Sacuudiga iyo Imaaraadka

Dubai (OWN)  – Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa bishan dhexdeedii booqasho rasmiya ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, si uu  dar-dar gelin cusub ugu sameeyo Xidhiidhka labada dhinac.

Putin ayaa waxa si weyn garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay oo qaabilay Amiirka Abu Dubia, ahna dhaxal-sugaha, Mohammed bin Zayed, iyadoona loo sii galbiyay dhanka madaxtooyada dalkaasi.

 

Bin Zayed iyo Putin ayaa wada-hadalo dheer waxay ka yeesheen sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo weliba maalgashiga.

Booqashadaasi uu Putin ku tagay dalkaasi ayaa noqoneysa booqashadiisi labaad ee tan iyo 2007 uu ku tagay dalkaasi, iyagoona kulamo badan wada yeeshay, isla markaana hore ugu wadaxiriiri jirey khadka taleefanka.

 

Waxayna booqashadaasi kaga gadisantahay kuwii hore in Madaxweyne Putin uu socdaal Khaliijka ah uu ku soo maray dalka Sacuudiga, isagoona xiligaasi dowladda Sacuudiga la soo saxeexday heshiisyo muhiim ah oo dhanka iskaashiga ah.

Madaxweyne Putin ayaa u muuqda mid aad u daneynaya dalalka Khaliijka gaar ahaan wadamada Imaaraadka iyo Sacuudiga, oo iyagu waqti xaadirkan saaxiib dhow la ah hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump.

Sida ay sheegayaan khabiiro daraaseeya arrimaha siyaasada, dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa xaqiiqsan in saaxiibtinimada Trump ay wax badan seejisay, isla markaana la gaadhay waqtigii ay dhinaca saari lahaayeen hogaamiyaha dalka Ruushka.

Wadamadaasi ayaa sidoo kale waxa la sheegaya in cabsi baahsan ka qabaan wada-hadalka uu Mareykanku la furayo dowladda Iiraan, oo keeni karta isku soo dhowaansho Mareykanka iyo Iiraan ah, midaasi oo sababi karta in hoos u dhac weyn ku yimaado xiriirkii dowladahaasi Khaliijka iyo Mareykanka.

Booqashooyinka Putin ee Khaliijka ayaa khabiirada qaar ku micneeyen mid dhabar jab ku ah xiriirka Trump iyo dowladda Mareykanka ee sida dhow ula howl-gala dowladahaasi, isla markaana shaki badan abuuri karta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker