Sheekh Almis Yaxye Oo Ka Hadlay Isbeddellada Ka Socda Gobolka Geeska Afrika Iyo Marxaladda Reer Somaliland Marayaan

Sheekh Almis Sheekh Yaxye Xaaji Ibraahim Warsame oo kamid ah Culimada Somaliland ayaa khudbaddii Salaadda Jimcaha ee doraad  ku soo qaatey arimo ku saabsan Isbaddelada siyaasadeed ee ka socda Mandaqadda Geeska Afrika iyo Sida ay Diinta Islaamku dadka Muslimka ah ugu fasaxdey in ay Mustaqbalkooda iyo Waayaha kusoo fool leh odoros ka bixiyaan.

 

Sheekha oo Khudbaddaa jimacaha Tusaale u soo qaatey Isbadelka ka dhacey Dalka Itoobiya iyo Talaabooyinka uu ka Qaadey Raysal-Wasaraaha Cusub ee loo Doortey dalkaasi, Dhinacyada Siyaasadda Arimaha Gudaha iyo Siyaasadda Dibedda Waxa kamid ahaa hadaladiisii “Mustaqbalka oo la Odorrosaa Diinta Islaamka ayey Kamid Tahey Waayihii Shalay Dhacey iyo duruufta maanta taagan labadaa marka la isku darro ayaa dadka uu ilaahey siiyay Aqoonta Dhawrsan, Waxey akhriyeen iyo Duruufta Sabanka wey Saadaalin karaan marka aynu dooneyno meel aynu joogno in aynu ka dhaqaaqno khudbado ku dhaqaaqi mayno, Warqad la Qorqoro iyo shan sano ku dhaqaaqi mayno, dhaqaaqani waa inuu yimaaddaa waxeynu wada ogolnahey oo aynu Wada dooneyno. Mandaqadan aynu degannahy ee Geeska Afrika la yidhaahdo isabdel weyn oo istaraatiji ah ayaa ka dhacey, isbadelkii ka dhacey Waddamada Yuguslaafiya, isbaddelkii ka dhacey waddamada carabta shan sano ilaa Lix Sano ka hor.” Ayuu yidhi Sheekh Almis Sheekh Yaxye Xaaji Ibraahim, waxaanu intaa sii raaciyey “khudbadeydu waxa weeyaan Mustaqbalku Tolow Sidee buu noqon doonaa Saddex Sano oo ay dadkaa Oromada ah ee aynu jaarka nahey banaanbaxyo wadeen waxaa ka dhashey in nidaamkii soo jireenka ahaa halkaa laga suuliyey oo nin cusubi inuu meeshii yimid, ninkaa Cusubina laba Talaabo oo Waaweyn buu qaadey,Talaabo Gudaha Waddankiisa ah iyo Talaabo Dibedda ah, Waddankiisii Wuxuu yidhi Xorriyad ayaa la doonayaa, mid dhaqaale mid Siyaasadeed jeelasha hala Furro hala walaaloobo, waa arrin qurux badan weedha korkeeda marka la eego, Durbaddiina Wuxuu yidhi Waddanadii Xuduudda aanu la laheyn ayaan tagayaa Key is haysteen ayuu ku dhaqaaqey oo Elatariya ah, Soomaaliya, Muqdisho ayuu taggey Qaahira ayuu taggey Nabed baan doonayaa ayuu yidhi oo Dhibaato ma rabo aan heshiino ayuu yidhi Walaalayaalow”.

 

Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay  “Isbaddelka intaa leeg oo haddii la yidhaahdo maanta hala Odoroso mandaqadeena Wakhti intaa leeg ma ku dhici lahaa Cidina odhan mayso Dhawr bilood ayuu Waxaasi ku iman lahaa Su,aasha markaa Biyo kama Dhibcaanka ahi Waa Maxey Yaa ka Dambeeya dhaqaaqan? Dhaqaaqan Mandaqadeena Ka Socda Yaa ka Dambeeya midi Wuxuu odhan karaa Jawaabta Su.aashaasi Waa Ninkan oo halyey ah oo Gobanimo Doon ah oo Curin leh oo ku dhac leh Tolkiina ka Dambeeyaan 40 Milyan ayaa ka dabba guuxaya, markaa Ninku Isku haleyn ayuu Qabaay oo Wax buu baddeli karaa, Waa tusaale, waa Jawaab, Waa hogaan Wax badelaya, anigu Waar mandaqadda Isbadel Weyn baa laga rabaa inteenanba la Qoto dhiowr Dawladood oo waaweyn ayaa ku hirdamaya ,dhulka kheyrbaa lagu sheegay, Badda kheyrbaa Lagu Sheegay, dadku in ay Hurdaana Waalla Sheegay, dhulku Dahab iyo Batrool ayuu la Ciirciirayaa baa la yidhi, Badduna gaas bay la ciirciireysaa baa la yidhi, dadkuna daamo daamo ayey marayaan, oo aadbey u dambeeyaan ayaa la yidh…”

Sheekh Almis Sheekh Yaxye Xaaji Ibraahim Warsame

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker