Tirada barakacayaasha ku nool Garoowe iyo caqabadaha ay wajahayaan

Sida lagu sheegay warbixin cilmi-baariseed ay soo saareen machadka SIDRA oo ah mid maxaliya, tirada dadka barakacayaasha ah ee ku nool Garoowe ayaa lagu sheegay inay yihiin ilaa 8,500 .

Dadkaas warbixintu waxay sheegtay in sababaha ay u barakaceen ay ka mid yihiin colaaddaha ka jira qayba ka mida Soomaaliya, abaaraha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ee ka jira dalka.

Maxamed Bashiir Siciid oo ka tirsan machadka SIDRA, ayaa BBC-da u sheegay in cilmi-baaristooda ay ku ogaadeen dhowr caqabadood oo haysta dadka barakacayaasha ah.

Waxyaabaha ugu darran ee wajahayaan ayuu sheegay inay ka mid tahay xirfad yari, faqriga oo ah dhibaatada ugu weyn haystaa gaar ahaan markii uu meesha ka baxay isticmaalkii shiling Soomaaliga deegaanada Puntland oo aad ugu tiirsanayeen dadkaasi.

Warbixintu waxay sheegtay in goobaha dadkaasi ay ku nool yihiin aysan haysan waxbarasho sare iyo goobo lagu barto farsamada gacanta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker