Dagaal U Dhexeeya Ciidanka Somaliland iyo Jabhadda SSC Oo Ka Dhacay Deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool.
Wararka ka imaanaya tuulada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaasi dagaal kooban ku dhexmaray ciidamada militariga Somaliland iyo jabhadda SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug.
Dad ku sugan gudaha Tukaraq ayaa sheegay in koox hubaysan oo ka tirsan jabhadda SSC ay xalay weerar saddex jihaa ku soo qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee tuuladaasi inkastoo sida ay sheegeen markii dambe dib loo celiyay kooxdii weerarka soo qaadday.
Dagaalka oo mudda socday ayaa waxa ka dhashay khasaare aan si faahfaahsan loo ogayn balse dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in ay arkeen hal gaadhi oo ka gubtay ciidamada Somaliland.
Warar kale ayaa sheegaya in uu khasaare nafeed kala gaadhay labada dhinac ha’yeeshee ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijiysay khasaarahaasi iyo inta uu le’egyahay.
Jabhadda SSC oo uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug ayaa inta badan weerarro gaadma ku qaadda ciidamada Somaliland ee jooga degaannada gobolka Sool gaar ahaanna tuulooyinka Gambadhe iyo Tukaraq.
Wixii Warar soo kordha kala soco Oodweynenews
Oodweynenews
Sanaag Office