Shabaab Oo Bur Buriyay Taawarro Isgaadhsiineed Oo Ku Yaalla Gobolka Waqooyi Bari Ee Dalka Kenya.

 

Garisa-(OWN)-Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab inay bur buriyeen Anteenooyinย  Isgaadhsiineed oo ku yaalay degaano ku dhaw degmada Gaarisa ee dalka Kenya.

Anteenooyinย  ayaa la sheegay Shabaabka inay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku bur buriyeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay Gudoomiyaha Magaalada Gaarisa.

Waxaa uuย  sheegay anteenooyinkaย  la burburiyay inay la aheyd Shirkadda Safaricom, islamarkaana si aad ah deegaanka looga isticmaalaayay.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Weelmareer oo ay gacanta ku haayeen Ciidanka dowladda Kenya, waxaana Shabaab dhankooda ay sheegtay in ay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer ku eedeeysay Al-Shabaab in ay burburiyeen Anteenooyinka ย ay leedahay Shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker