Duuliyeyaasha Wax Khalad Kumay Lahayn Diyaaraddii Ethiopian Airlines Ee Dhacday

Duuliyeyaasha diyaaraddii Ethiopian Airlines ee duulimaadkeedu ahaa 302 waxay awoodi kari waayeen inay xakameeyaan diyaaradda, waxayna “marar badan” sidaas isku dayeen iyagoo raacaya habka diyaaradda Boeing loogu tala galay in lagu xasiliyo, sida lagu soo bandhigay natiijada hordhaca ah ee baadhitaanka.

 

Diyaaradda oo uu nooceedu ahaa Boeing 737 Max 8 ayaa ku guul darreysatay inay si toos ah hawada ula qabsato waxayna iyadoo af-af usoo hoobaneysa dhulka kusoo dhacday wax yar ka dib markii ay duushay.

 

Shilkaas oo dhacay 10-kii bishii Maarso, waxaa ku dhintay 157 qof  oo isugu jiray rakaab iyo shaqaalihii diyaaradda oo ka soo ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda u ah dalka Itoobiya.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker