Germany Oo Midawga Yurub Ugu Baaqay In Cunnaqabateyn la Saaro Russia.
Wasiirka Arimaha Debadda ee Jarmalka Heiko Maas ayaa ku baaqay cunnaqabateyn cusub oo Midowga Yurub uu saaro Russia sababo la xiriira sumeyntii hogaamiyaha mucaaradka Alexei Navalny taasi oo loo isticmaalay sunta neerfaha weerarta oo ah mid dunida laga mamnuucay.