Xildhibaan Ka Hadlay Mag loo Kala Qaaday Beelo Ay Diriri Ku Dhexmartay Buuhoodle

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Budeeye oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland, ayaa ka hadlay heshiis ay wada galeen beelo walaalo ah oo dhawaan diriri ku dhexmartay deegaanka Buuhoodle.

 

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in la kala qaatay magta saddex nin oo labada dhinac kaga kala dhintay dirirtaasi, taasi oo ah in ninkiiba laga xaqay boqolkii halaad ee waajibka ahaa iyo konton halaad oo xaala, islamarkaana uu dhankastaa bixiyay qoryihii dilkaasi lagu kala qabsaday, iyo waliba aaskii oo dhan afar kun oo dollar oo la siiyay qoyskii labada nin ka dhinteen iyo laba kun oo la siiyay qoyska kale ee ninku ka dhintay, sidaasna gacmaha leysugu saaray labadii dhinac. Waxaana Deegaankan nabada lagu xidhay lagu magacaabaa Banyaal, waxaanu u dhexeeya Widh-widh iyo Buuhoodle.”

 

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax waxa uu   sheegay  isaga oo ku sugan magaalada Buuhoodle, waxaanu yidhi “Labada reer ee dirirtu dhexmartay waa Cali Gari iyo Barkadd, waana reer Buuhoodle, waxaa dirirtooda keenayna aano ayay aheyd, deegaankan heshiiska labada beelood uu ka dhacay ee aan maanta joogo, waxaa la yidhaahdaa Banyaal, waxaaney u dhaxeysa Widh-widh iyo Buuhoodle, nin ayaana lagu dilay magaalada Buuhoodle gudaheeda, markii danbena laba nin ayay dishay qoladdan ninka laga dilay, sidaasi ayay ahaayeen saddexdaasi nin, midkastabana saddexdooda boqol iyo konton halaad ayaa laga xaqay, konton xaala iyo boqolka ninka dilkiisa ku waajibay, sidaasi ayaana lagu heshiiyay.”

 

Xildhibaan Budeeye mar uu ka hadlayay sida uu u dhacay heshiiska labada dhinac waxaa uu yidhi “Labadda reer iyaga ayaa heshiiyay anaguna goob joog ayaanu u aheyn, aniga oo xildhibaana, Isimo, cuqaal, waxgarad, dad badan oo Dhulbahantaha kale ah ayaa goob joog ka ahaa, loomana kala hadhin”

 

Ugu danbey xildhibaan Cabdixakiin waxa uu labada dhanba u soo jeediyay inay gacan bira ku qabtaan ciddii nabadgeliyadooda burburineysa isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Labadii qori ee nimanka lagu diley qoladii kale ayaa la siiyay, kii gaarka ahaa ee ninka lagu dilayna qoladii kale ayaa la siiyay, reer kastana waxaa laga qaaday laba kun oo duugmo ah, halka qolo ay bixisay 4-kun oo dollar oo aasa halka reerkii kalena ay ka bixiyeen 2-kun oo dollar oo aasa.

 

Carrab iyo labadiisa daan ayaan isdeynin, dhibtuna illaa Xaawiyo Aadan waa ay soo taagneyd, waxaan leeyahay nabadgeliyadda maanta la xidhay ee idinkuna aad ku heshiiseen ee umadda Islaamka ahi goob jooga ka aheyd ee maanta sida sharafta iyo karaamada leh aad u xidheen, wixii nabadiina burburinaya meel uga soo wada jeesta, ninka nabadgeliyadda burburinaya gacan bira wax kaga qabta, nabadana sidaasi loo wada qaatay haloo wada qaato.”

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Budeeye

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker