Ra’iisul wasaaraha Canada iyo xaaskiisa oo ka hadlay kala taggooda

Ra’’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo xaaskiisa Sophie ayaa kala tagay 18 sano kadib oo ay nolol wadaag ahaayen.

Qoyskan kala huleelay ayaa farriin lagu baahiyay barta Instagram, ku yiri “waan sii wadi doonaan xiriirka qotada dheer ee qoysnimo kuna saleysan jaceylka,”

Waxay isku guursadeen magaalada Montreal ee dalka Canada, sanadkii 2005-tii, waxayna haystaan saddex carruur ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’’iisul wasaare Trudeau, ayaa lagu sheegay in haddii lammaanuhu saxiixaan furiinkooda, ay wali si wada jir ah u soo muuqa karaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker