Warbixin laga soo saaray Soomaalida qabta cudurka Aids-ka ee ku nool Minnesota
Wasaaraadda caafimaadka ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sannad kasta soo saarta warbixin ku saabsan cudurka HIV/Aids-ka iyo tirada dadka uu ka dhacay sannadkii lasoo dhaafay iyo waxa haatan iska baddalay.
Sannadkan waxaa hoos u dhacay tirada dadka soomaalida ee uu ku dhacay cudurka HIV/Aids-ka marka la barbardhigo sannadihii hore.
Cabdullaahi Irshaad Sheekh oo madax ka ah urur dadka Muslimiinta ka wacyigeliya cudurkan ayaa BBC-da u sheegay in sannadkii hore ee 2018, Soomaalida qabtay cudurka Aids-ka ay gaarayeen 286 qof, halka sannadkii 2017-kii ay ahaayeen 290 qof.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in muddo laga joogo tobban sanno tirada dadka soomaalida ee ku nool Minnesota ay sare u kaceen balse sannadkii lasoo dhaafay arrintaas ay wax iska baddashay.
“Macluumaadka laga helay wasaaradda caafimaadka laguma xusin soomaalida, waxaa dhici karta in dad badan aysan aadin xarumaha caafimaadka oo aysan isdiiwaanka gelin”, ayuu yiri Cabdulllaahi.
Wasaaradda caafimaadka Minnesota ayaa sannad kasta soo saarta warbixin ku saabsan bulshooyinka kala duwan ee ku nool halkaas ee uu ku dhacay cudurkan.
Waxaa uu sheegay in Soomaali gaareysa 140 qof uu ku dhacay xannuunkan balse aanan lagu xusin warbixinta kasoo baxday wasaaradda caafimaadka.
Cabdullaahi Sheekh ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaalida ah ee qaba cudurkan in ay isticmaalaan dawooyiinka xoojin kara jirkooda isla markaasna hoos u dhigi kara caabuqan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in wacyigelin badan oo loo sameeyo dadka qaba cudurkan ay ka qeyb qaadan karo in ay ogaadaan waxyaabaha laga qaado iyo tallaabooyinka looga hortagi karo.