Xukuumadda Soomaaliya oo Guddi Wasiirro ah u saartay sugida Amaanka Muqdisho
Kulan qatay saacado ayaa Muqdisho lagu qabtay kaasoo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Dawladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah looga hadlay amniga guud ee dalka, waxaana diiradda lagu saaray ammaanka guud ee Muqdisho.
Amniga Muqdisho, ayaa u muuqda mid xilligan aan wanaagsanayn, iyadoo ay dhaceen qaraxyo dhawr ah muddo aan kala fogeyn, ayna ku dhinteen dad aad u fara badan, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo ay intaas dheer tahay burbur hantiyeed.
Sidoo kale, Inta uu kulanka socday waxay wasiirradu si aad ah uga doodeen sida xalka loogu heli karo amniga, waxaana markii dambe loo saaray guddi laga dhex xulay golaha wasiirrada.
Dhanka kale, Wasiir-u-dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia, C/llaahi Xaamud ayaa kulanka kaddib Warbaahinta u sharaxay qodobadii kasoo abxay kulankaas, isagoo sheegay in qorshaha ugu weyn uu yahay sidii loo adkeyn lahaa amniga caasimadda.
Ugu dambeyn, Shirkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo xaaladda amni ee Muqdisho ay noqotay mid aan la isku halleyn karin, waxaana la xiray inta badan waddooyinka Muqdisho si loo xaqiijiyo amniga caasimadda.