Qaramada Midoobey Oo Qorsheynaysa In Deeqaha Somaliland Toos Loo Siiyo
Qaramada Midoobey ayaa qorsheynaysa in deeqaha loogu talo-galay Somaliland toos u siiso , iyadoo la beddelayo dhaqankii hore ee ahaa in deeqaha Somaliland la mariyo qorshihii “Qoondada Gaarka ah” ama “Special Arrangement” ee lagu go’aamiyey shirkii London ee 2013kii, kaasoo qeyb ka ahaa taageerada caalamka ee Soomaaliya.
“Special Arrangement” wuxuu dhigayey in deeqaha horumarinta guud ee loogu talo-galay Soomaalida, qeybta ay Somaliland ku leedahay lagu siiyo hab ka geddisan maamullada kale ee dalka, oo iyagu loo aqoonsan yahay inay hoos tagaan Federaalka balse Somaliland aysan ka mid ahayn.
Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in 150 USD milyan oo loo qoondeeyay Somaliland lagu hagaajin doono sanduuq cusub oo loo bixiyay ‘Sanduuqa Taageerada Somaliland’ oo Qaramada Midoobey soo jeedisay in la abuuro.
Waxaa sidoo kale jira in Xukuumada Somaliland iyo Qaramada Midoobey wada diyaariyeen dukuminti la yiraahdo “Qoondada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Somaliland” oo lagu beddelayo heshiiskii 2013 ee ay Dowladda Soomaaliya hadda diidan tahay.