Casmara ee dalka Eritrea ay noqoto magaalo ay baabuurta aad ugu yaryihiin
Dhawr arrimood ayaa sabab u ah in magaalada Casmara ee dalka Eritrea ay noqoto magaalo ay baabuurta aad ugu yaryihiin, dadkuna ay isticmaalaan baaskiilka, waxaana ka mid go’doomiyintii dublamaasiyadeed ee mudada dheer saarnayd dalkaas.
Dadka ku nool magaaladan waxaa lagu qiyaasaa 500 kun oo ruux, kuwaas oo duruufaha haysta ay ka mid tahay mushaar yari, canshuur tiro badan iyo shidaalka oo yar, taas oo keentay in ay baabuurta magaalada ku yaraadaan.
Waxaa jirta arrin kale oo ku talogal aan ahayn oo wanaagsan oo ay horseedayso arrintan. Iyada oo welwel badan laga qabo isbadelka cimilada adduunka, dalal badan oo adduunka ah waxa ay isku dayayaan in ay dhimaan qaaca baabuurta ee hawada ku baxa, waxaana meelaha qaar lasoo rogay in baaskiil lagu socdaalo ama gaadiid ku shaqeeya tamarta cadcadeedda.
Dhismayaasha qadiimiga ah ee Casmara ayaa iyaguna ah kuwa dadka soo jiidanaya, iyada oo hay’adda dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee UNESCO ay ku dartay goobaha ku illaashan shuruucda hiddo-dhawrka.
Goobaha lagu sameeyo baaskiilada ayaa ku yaala meelo badan oo magaalada ka tirsan, iyada oo dhaqanka isku filnaanshaha ee dadka uu biloowday 30 sanno ka hor markii uu dalkan qaatay xoriyadda.
Dadka reer Eritrea waxa ay isticmaalaan inta badan noocyada kala duwan ee baaskiilka oo ay xitaa ka mid tahay tan loogu talogalay buuraha, kuwa lagu tartamo, iyo xitaa kuwa ay isticmaalaan haweenka guryo joogga ah.
Magaca loo yaqaan waa “bicicletta” oo ah kalmad laga soo amaahday talyaaniga.
Baaskiilka oo ay Talyaaniga bareen reer Eritrea waa sheey ay aad u jecelyihiin, waxaanaba jira tartamo aad loo xiiseeyo.
Xitaa waxaa jira xul qaran oo baaskiil ah, waxaana ka mid ah Mosana Debesay oo sawirka hoose ka muuqda isaga oo tartan kaga qeybgalaya dalka Austria bishii September.