Maxamuud Cabbaas madaxweynaha Falastiin oo Xamaas u diray farriin uu kaga dalbanayo dhowr arrimood
Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ugu baaqay Xamaas in ay sii daayaan la haystayaasha, kana tanaasulaan masโuuliyadda marinka Qasa, hubkoodana u dhiibaan maamulka Falastiin, iskuna beddelaan xisbi siyaasadeed.
Khudbad uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 32-aad ee golaha dhexe ee Falastiiniyiinta oo Arbacadii shalay ka furmay magaalada Ramallah, ayuu Cabbaas ku yiri, โXamaas waxay siisay ciidamada gumeysiga fursad ay ku fuliyaan xadgudubyadooda ka dhacaya Marinka Qasa, gaar ahaan afduubka dadka,โ.
Cabbaas waxa uu xusay in hoggaanka Falastiin uu soo jeedinayo afar arrimood oo kala ah: โIn la joojiyo dagaalka Qasa, ka bixitaanka ciidamada Israaโiil, in la qaado goโdoominta marinka, hubinta gargaarka biniโaadantinimo oo dadka la gaarsiiyo, ka hortagga barakicinta shacabka iyo hubinta inay sii joogaan dhulkooda, ilaalinta qadiyadda Falastiin heer caalami ah, iyo inay u dhaqmaan si waafaqsan sharciga caalamiga ahโ.
Waxa uu fariin adag u diray Xamaas, isagoo ka dalbanaya inay sii daayaan la haystayaasha Israaโiil ee ay gacanta ku hayaan.
Abbaas wuxuu adkeeyey baahida ah in Xamaas ay wadahadal la gasho Maamulka Falastiin halkii ay kala hadli lahaayeen Maraykanka, isagoo yiri, “Adduunku waa mid aan caddaalad ahayn, Maraykankuna waa mid aan caddaalad ahayn.”