‘Yaxaaska’ oo loo dhaariyey xafiiska ugu sareeya dalka Zimbabwe

Madaxweyne Emmerson Mnangagwa oo naxariis yaridiisa awgeed lagu naanayso ‘Yaxaaska’ ayaa loo dhaariyay xafiiska ugu sareeya dalka Zimbabwe, tan oo noqonaysa bilawga markiisii labaad, isagoo ku dhaartay inuu ilaalin doono dastuurka.

Waxaa xilka u dhaariyay madaxa cadaalada Luke Malaba iyadoo ay hor taagan yihiin tobanaan kun oo taageerayaal ah oo ka tirsan xisbigiisa Zanu-PF.

Madaxda gobolka oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa iyo hoggaamiyaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa ka qeybgalaya munaasabadda, sidoo kale waxaa xafladda ka qeybgalaya marwada koowaad ee hore ee dalkaas Grace Mugabe oo ah xaaska madaxweynihii geeroyooday ee dalkaas Robert Mugabe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker