Ugu Yaraan 50 Qof Oo Ku geeriyooday Basas isku Dhacay dalka Ghana
Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay dalka Ghana ka dib markii ay isku dhaceen labo bas oo marayay magaalada Kintampo oo ku taalla bartamaha dalkaas.
Wali lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah balse masuuliyiin ayaa BBC-da u sheega in 50 ruux ay dhinteen dad kalena ay dhaawacmeen.
Booliska iyo shaqaalaha dab damiska ayaa hadda ku sugan goobta uu shilku ka dhacay.
Qof goobjooge ayaa warbaahinta Ghana la wadaagay sawirrada shilka ka dhacay magaalada Kitampo
Booliiska ayaa sheegay in baska uu dab qabsaday.
“Dadka dhintay badankood isla goobtii uu shilku ka dhacay ayay ku geeriyoodeen, waxaase jira dad dhaawacyo kala duwan qaba oo loola cararay isbitaalka” sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliiska.
Waxaa jira dad wali ku xayiran basaska oo aan wali la badbaadin.