Xiisadda Somaliland Iyo Puntland Oo Sii Xoogaystay

Ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa isku horfadhiya degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Sanaag, waxaana saacaddihii ugu dambeeyay socday Gurmadyo kala duwan oo ka kala imaanayay degaanada  Somaliland iyo Puntland.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Somaliland ayaa Saacaddihii ugu dambeeyay ciidamo badan soo dhoobtay degmada Yubbe oo dhinaca bariga ka xigta magaalada Ceerigaabo, halka  jabhadda Col. Caarre ee la’dagaallanta Somaliland ay  saldhigyo ku leh magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

 

Cutubyo ka tirsan ciidamada   dowladda Puntland oo xalay ka baxay degmada Badhan ayaa saaka gaadhay tuulada Ceelcad oo dhanka bari ka xigta degmada Yubbe gobolkaas sida ay soo sheegayan dadka degaanka.

 

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Puntland ayaa dhankooda Abaabul dagaal ka wadda gobolka Sanaag.

 

Qaar ka mid ah Waxgaradka Somaliland iyo Puntland ayaa sheegay in xaaladda labadda dhinac  ay xilliggan qarka u saaran tahay Xaalad dagaal.

Oodweynenews Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker