Shacab Iyo Mas’uuliyiin Loo Xidh Xidhay Qaraxii Dhawaan Ka Dhacay Buuhoodle.

Guddi loo xil saaray baadhitaanka qarax dhowaan ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa sheegay in meel gebogebo ah uu marayo shaqooyinkii loo xilsaaray.

Cabdifitaax Cali oo ah guddoomiyaha magaalada Buuhoodle sidoo kalena xubin ka ah guddiga baadhitaanka wada ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog  wuxuu ku sheegay in xogo badan ay hayaan islamarkaana howsha ay gacanta kula jiraan.

Wuxuu sheegay in warbixinno ay ka hayaan shaqsigii is qarxiyay, islamarkaana xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 ruux oo xidhiidh uu la lahaa.

Guddoomiye Cabdifitaax ayaa sheegay in dad shacab ah ay u badan yihiin dadka u xidhxidhan kiiskani, hayeeshee ay ku jiraan dad mas’uuliyiin ah oo uu ka gaabsaday in uu magacyadooda  sheego.,

Qaraxii ka dhacay Buuhoodle ayaa waxaa ku dhintey Saddex qof, kadib markii qof ismiidaamiyey uu la eegtay gaadhi ay saarnaayeen dadka Dhintay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker