Ugu Yaraan 100 Oo qof oo ku Geeriyooday Roobab Wata Duufaan Dalka Hindiya

Mas’uuliyiinta dalka Hindiya ayaa sheegaya in dad badan ay ku dhinteen roobab wato duufaan oo ka da’ay gobolka Kerala ee dalkaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in tirada dhimashada ay imika kor u dhaaftay 860 qof.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dhibaatada inteeda badan ay ka jirto koonfur galbeed dalkaasi oo la sheegayo inay ku dhinteen 250 qof kaddib markii ay ku soo rogantay dhoobo ka dhalatay roobabka.

Dadka deggan dhulka buuraha ka hooseya ayaa loogu baaqay inay isaga baxaan goobahaasi oo ay adaan dhulka sare, balse qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ayaa wali ku go’donsan halkii ay deganayeen.

Koooxaha gurmadka ayaa ku soo warramaya in ay ku adag tahay inay garaan dadka u baahan gargaarka, madaama daadadi ay ku rogmeen dhulkii oo dhan.

Ra’iisalwasaaraha Hindiya, Narendra Modi, oo ka hadlayay mussiibadan ka dhacday dalkiisa ayaa waxaa uu sheegay in milateriga ay qeyb ka noqon doonaan gurmadka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker