Afhayeenka Al-Shabaab Oo Si Kulul Uga Hadlay Xasuuqa Muslimiinta Loogu Geystay Dalka New Zealand.

Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay markii ugu horeysay weerarkii Kadhacay magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

ku dhawaad 50 qof oo muslimiin ahaa oo ku sugnaa masjidka Al Nuur ee magaalada Christchurch Ayaa Kudhintay waxaana ku dhaawacmay inka badan 40 qof oo ku sugna Masaajidka.

Afhayeenka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa ugu horeyn sheegay inay ka tacsiyeynayaan dadka weerarka ku dhintay, isagoo sheegay inay la xanuunsanayaan ehelada dadka waxyeelada soo gaartay.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dhigan yahay dhagarta Gaalada ay u qabaan shacabka Muslimiinta ah, waxaana uu sheegay in taasi aysan ka dhigneyn inay niyad jabaan Muslimiinta.

“Dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday New Zealand waxay markale daaha ka rogeysaa colaadda gaamurtay ee ay gaaladu u qabaan Muslimiinta, waxay marag ma doonto u tahay xiqdiga saliibiga ah ee kuwaas falkaas geystay iyo kuwa kale ee gadaal ka taagan ay u hayaan dadka muslimiinta ah” ayuu yiri Sheekh Cali dheere Afhayeenka Al-Shabaab.

Sheekh Cali dheere Afhayeenka Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker