Askar ka wada tirsan ciidanka UGANDA ee AMISOM Oo Muqdisho Isku Laayay + Tirada Geeriyootay

 

 

 

 

 

Muqdisho (OWN)- Askar ka mid ah ciidamada dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee dalkaasi Soomaaliya ka hawl gala ayaa la sheegay inay isku dileen magaalada Muqdisho, waxaana la shaaciyay xogta la xidhiidha dagaal dhexmaray askartaasi oo ka dhaxay xerada ay degan yihiin.

Afar kamid ah ciidamada dowladda Uganda ayaa la sheegay inay geeriyoodeen kadib markii ay dhexdooda isku rasaaseeyeen magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay dhamaantood kamid ahaayeen saraakiisha AMISOM.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Khilaaf uu soo kala dhex galay mid kamid ah askarta  Uganda iyo kormeerihiisii, taasina waxay keentay in askariga uu toogto Kormeerihiisa iyo labo askari oo la joogtay.

Falkaan ayaa ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyn askariga falka geystay la sheegay inuu naftiisa dilay, taasi oo si weyn looga hadal hayo xerada Xalane.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Uganda Brig Richard Karemire, ayaa xaqiijiyay dhacdadan, waxaana uu intaas raaciyay in Saraakiisha Uganda ay baaritaan ku hayaan kiiskan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ma sheegin waxa sababay falkan, sidoo kale ma sheegin magacyada Askarta isku leysay Xerada Xalane, waxaana uu ku gaabsaday in ay baaris ku sameynayaan.

Waa Dhacdadii ugu horeysay oo sanadkaan 2019 ay ciidamada Uganda ay isku dilaan magaalada Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker