Beesha Caalamka Oo Hadda War Kasoo Saaray Xaaladda Ka Taagan Magaalada Baydhabo.

Muqdisho-(OWN)-Warsaxafaadeed ay Dowladaha Caalamka iyo Ururadda wada-shaqeynta la leh DFS soo saareen waxay ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin dhacdooyinka ka socda Dowlad-gobaleedka K/Galbeed Somalia, waxayna Tacsi u  direen  geeridii Xildhibaankii ka tirsanaa Barlamaanka K/Galbeed iyo dadkii kale ee ku geeriyootay qalalaasha ka dhacay magaalladda Baydhabo.

Qoraalka waxaa lagu xusay in aad u cambaareynayaan dhamaan Qalalaasa kasta iyo falalka kale ee sii xumeyn kara Xaalladda Samafalka Aadminimo.

Beesha Caalamka waxay  hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay taageero midaysan oo ku aadan Jadwalka shaqo ee lagu heshiiyay ee lagu maamulayo Doorashooyinka, waxayna  ku booriyeen  dhamaan dhinacyada inay xushmeeyaan daacadnimadda ee dadaalka Hawlaha Doorashadda.

Ugu dambeyntii, Qoraalka Beesha Calaamka waxay sheegeen inay dhiiri-gelinayaan Wada-xaajoodka wax dhisaayo si loo xaliyo Kala-duwanaanshaha Siyaasadeed iyo caqabadaha kale, si horumar looga sameeyo Geeddiga Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ee Somalia.

Qoraalka ka soo baxay Beesha Caalamka waxaa ku saxiixnaa  QM, Midowga Europe, Amisom iyo dalalka Maraykanka, Britain, Sweden, Norway, Denmark, Finland, Faransiiska, Holland, Jarmalka, Turkiga, Talyaaniga, Ireland, Kenya, Uganda iyo Switzerland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker