Raiisulwasaaraha Somalia oo ka Hadlay Hawlihiisa Shaqo

Muqdisho (OWN) – Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Maxamed Guleed ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Nabad iyo Nolol ee madaxweyne Farmaajo ee inta ka hadhsan muddo xileedkeeda ay juhdi iyo xoog badan gelin doonto sidii maqaamka magaalada Muqdisho loo hirgelin lahaa loona dhameystiri lahaa.

 

Mudane Mahdi Guuleed ayaa sheegay in guul weyn ay tahay in go’aanka ansixinta baarlamaanka ee 13-ka xubnood ku yeelanaya Aqalka Sare uu markii horeba ka timid codsi madaxweyne, haddana ay ka shaqeynayaan sidii madaxweynahu uu u saxiixi lahaa, lana sugaayo saxiixa madaxweyne Farmaajo oo mudo bil iyo bardh ah uu sharcigaasi horyaalo si uu u saxiixo.

13-ka xubnood ee gobolka Banadir ka helay aqalka sare dhammeystirkiisa waa ay hirgaleysaa, waana fuleysaa, madaxweynuhuna waa meel marin doonaa, inta dowladda Nabad iyo Nolol mudo xileedkeeda ka hadhay waa ineynu si wada jir ah ugu wada shaqeynaa,
Saaxiibkeey walaalkeey Mahad Salaadna si wada jir ah ugu shaqeyneynaa hirgelinta maqaamka caasimada Muqdisho, barbarkeey ka baxdaa waa bakeyle galeen,” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo ka hadlayay munaasabad maamulka gobolka Banaadir kula wareegayay Waxbarashada Gobolka Banaadir oo ay horay u maamuleysay Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker