Ku dhowaad 500 oo Soomaali ah ayaa loo cusbooneysiinayo sharcigii ay ku joogeen Maraykanka.

USA-(OWN)-Waaxda arrimaha gudaha iyo ammaanka Dalka Maraykanka (Homeland Security) ayaa Khamiistii Shalay ahayd sheegtay in ku dhawaad 500 oo Soomaali ah oo ka qaxday dhibaatooyinka argagaxisada iyo abaarta loo oggolaanayo inay ku sii joogaan Maraykanka illaa Bisha March ee Sanadda 2020-ka.

Tallaabadan ayaa waxaa soo dhoweeyay hay’adaha u dooda xuquuqda Qaxootiga iyo Sharci-dejiyaasha Mareykanka, kuwaas oo waday olole ay Madaxweyne Trump iyo maamulkiisuba ugu dhaadhicinayaan in Dadkan loo cusbooneysiiyo sharciga ku meel gaadhka ah ee TPS-ka loo yaqaan.

Dadka qaadanaya sharciga ku meel gaadhka ah ayaa si weyn ugu riyaaqay go’aankan, waxanay qaarkood oo la hadlay Jariiradda The Guardian sheegeen iney dhibaatooyin fara badan kala kulmeen Kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay halkooda ku sugnaanayaan inta ay wax iska beddelayaan.

Soomaalida ku nool Dalka Maraykanka ayaa waxaa waayadii dambe soo food saartay caqabad ku saabsan joogista iyo qaadista Eheladooda ku xayiran Xeryaha Qaxootiga ee Bariga Afrika, markii uu saamayn ku yeeshay go’aankii uu Madaxweyne Trump ka qaatay soo galootiga.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker