Dablay ku afduubatay dalka Cameroon 25 qof

Ciidamada ammaanka ee dalka Cameroon ayaa baadigoob ugu jira illaa 25 qof oo laga afduubtay tuulooyin ku yaalla xuduudda ay la wadaagaan dalka Nigeria. Dadka deegaanka ayaa ugu baaqay xukuumadaha Nigeria iyo Cameroon inay joojiyaan dablayda hubaysan ee ka hawlgasha xuduudda labada dal.

Saraakiisha Cameroon ayaa sheegay in dablayda afduubka geysatay aan la aqoonsan, iyaga oo si joogto ah weeraro ugu qaadaan tuulooyinka, isla markaana bililiqaystay toddobaadkan degmada Ako oo ku taalla xuduudda galbeed ee Cameroon la wadaagto Nigeria.

Saraakiisha degmadaas ayaa sheegay in boqollaal qof ay ka qaxeen, weeraradan ugu dambeeyey.

Maayarka degmada Ako Nkanya Nkwai ayaa sheegay in dablaydan aan la aqoonsani inay ka hawlgasho xuduudda labada dal.

“Illaa haatan 25 qof ayaa la afduubtay, waxaana laga cabsi qabaa in afduubku uu intaas ka bato, sababtoo ah, tan iyo Isniintii waxaa adkayd in xidhiidh lala sameeyo dadka ku sugan xuduudaha, gaar ahaan Buku, Abafum iyo Akwancha oo ah meelaha laga soo galo xuduudda, illaa haatanna wax macluumaada lagama kooxda afduubka geysatay. lamana oga in la dilay kooxda la afduubtay iyo inay noolyihiin toonna” sidaas waxaa VOA u sheegay Ako.

Milateriga Cameroon ayaa sheegay inay ciidamo ku daabuleen xuduudda Nigeria si hoos loogu dhigo kooxaha afduubka geysanaya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker