Mucjiso: Dal Dayn lagu Lahaa Iskaga Bixiyay 75000 oo Neef oo Lo,ah
Dalka Chad ayaa Lo’ Tiradoodu gaadhayso 1000 Neef iskaga bixiyay dayn tiro badan oo uu ku lahaa dalka Angola, kadib markii ay iska bixin kari waayeen Muddo.
Daynta ayaa dhammayd $100 million waxaana lo’da loogu mag-dhabay laga dejiyay magaalada Luanda, iyadoo lagusoo Raray markab.
Labada dal ayaa ku Heshiiyay in Angola ay hesho 75,000 oo neef oo Lo’ ah tobanka sanno ee soo socda, waxaana ay taasi a dhigantahay in Angola iyo Chad ay isla garteen in neefkii lo’ ahba qiimihiisu yahay $1,333.
Arintan oo Dhif iyo Naadir ah ayaa soo jiidatay indhaha bulshada caalamka iyadoo si wayn looga hadal hayay baraha ay bulshadu kuwada xidhiidho.