Suldaan Bashiir Muuse Koonte Oo Lagu Dilay Masaajid Ku Yaal Magaalada Boosaaso

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta oo Jamce ah halkaasi lagu dilay Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo kamid ahaa isimada dhaqanka Puntland.

Suldaanka ayaa nin hubaysan ku dhex dilay masjidka Mubaarak oo ku yaalla xaafadda Laanta-hawada ee magaalada Boosaaso waxaana suldaanka oo dhaawac culus soo gaaray loola cararay isbitaal halkaasoo uu ku geeriyooday.

 

Ciidamada amniga Boosaaso oo gaaray halka weerarku ka dhacay ayaa xidhay dhammaan waddooyinka soo gala masjidka balse weli ma cadda in dilka suldaanka cid loo qabtay iyo in kale.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka inkastoo weerarro sidaan u eg ay fulliyaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

 

Marxuum  Suldaan Bashiir Muuse Koonte

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker