Hawlgal Ka Socda Magaalada Boosaaso Kadib Askari Ka Tirsan Ciidamada Puntland Oo La Dilay.

Boosaaso-(OWN)-Ciiidamada ammaanka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa Magaaladaasi  ka wada hawlgalo  ammaanka lagu xaqiijinaayo,  kadib markii xalay askari ka tirsan ciidamada lagu dilay halkaasi.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay si wayn u baadhayaan dadka iyo gaadiidka Magaalada gudaheed, islamarkaana dadka ay ka shakiyaan su’aalo waydiinayaan.

Koox hubaysan ayaa xalay fiidkii askari ka tirsanaa ciidamada Puntland ku dilay badhtamaha Magaalada Boosaaso, kadibna halkaasi ka baxsaday.

Dilalka loo gaysanaayo askarta ayaa sii kordhaya Magaalada Boosaaso, waxaana taasi ay keentay inay feejignaan badan galaan ciidamada.

Daacish iyo Shabaab ayaa dilal qorsheysan ka gaysta Magaalada gudaheeda oo ay ku beegsadaan xubnaha Maamulka la shaqeeya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker