Sirdoonka Maraykanka Oo Hakiyay Xogo ay Siin Jireen Aqalka Congress-ka. Ee Dalkaasi

Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka ayaa Sabtidi shalay sheegay, in hadda kaddib aysan mudanayaasha Koongareeska la wadaagi doonin, xogaha ku saabsan khatarta faragelinta shisheeye uga iman karta doorashada madaxtinimo ee la filayo in Mareykanka ay ka dhacdo bisha November.

War laga soo saaray xafiiska Sirdoonka Qaranka, ayaa lagu sheegay in sababta ay u joojiyeen warbixinnada ay sii jireen Koongareeska ay tahay, kaddib marki xogo xasaasi ahaa oo ku saabsanaa amniga doorashada la dusiyay, kaddibna la siyaasadeeyay.

 

Saraakiil ka tirsan Waaxda Sirdoonka Qaranka ayaa xalay si toos ah ugu sheegay sharci-dejiyaasha iyo guddi hoosaadyo ka tirsan Koongareeska Mareykanka in xogaha sirdoon ee ku saabsan doorashada madaxtinimada ee saddexda November ay wali heli doonaan mudanayaasha balse ay noqon doonto hab ka duwan sidi hore.

 

Madaxda ugu sarreysa xisbiga dimoqraadiga ee Koongareeska Mareykanka sida, afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi iyo hogaamiyaha dimoqraadiyiinta laga tirada badanyahay ee golaha Senetka Chuck Schumer ayaa labaduba cambaareeyay go’aanka Hey’adda Sirdoonka Qaranka Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker