Xukuumadda Somaliland Oo Beeniyay In Puntland Qabsatay Sanaduuq Doorasho
Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay sheegashada Puntland ee ah in ay sanaaduuq doorasho qabatay.
Wasiirka ayaa sheegay in u jeedada ciidanka Puntland ay carqalad abuur ahayd laakiin anay jirin sanaduuq ay qabsadeen.
βWax ka jiraa majiraan, waa kuwii maamulka gobolka sanaag ka hadleen, nimankaasi niman carqalad abuuraya ayay ahaayeen, marka arrintasi way dagantahay wax dhibihina kama jiroβ ayuu yidhi.
Ciidamada Puntland, ayaa maalintii shalay ku andacooday inay qabteen sanaduuq ay ku jiraan kadhadhka codaynta Somaliland.