Daadad ku dhuftay gobollo katirsan Hindiya

Roobab mahiigaan ah ayaa ku dhuftay qeybo ka mid ah gobolka Tamil Nadu ee dalka Hindiya kuwaas oo sababay fatahaado baahsan.

Digniino ayaa laga soo saaray dhowr meelood oo koonfurta ah iyadoo la xiray iskuulo, kulliyado, shirkado iyo guud ahaan bangiyada.

Waxaa jiray roobab rikoor ah oo meelaha qaar ka da’ay iyadoo hal degmo ay heshay roob ka badan hal sano hal maalin gudaheed.

Kumanaan qof ayaa laga daadgureeyay oo la dajiyay xeryo gargaar. Dowladda gobolka ayaa weydiisay ciidamada cirka Hindiya in laga caawiyo howlgallada samata bixinta iyo gargaarkaba.

Saraakiisha saadaasha hawada ayaa saadaaliyay roobab kale maalmaha soo socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker