Madaxwayne Farmaajo Oo Lagu Eedeyay In Ciidamada Itoobiya U Adeegsanayo Dorashada Jubaland.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa Madaxtooyada Somalia ku eedeeyay inay Ciidamada Itoobiya u adeegsaneyso Doorashooyinka maamulka Jubbaland, ayna lasoo baxday weji cusub oo uu ku tilmaamay khiyaamo Qaran.
Xildhibaan Fiqi oo taageersan Axmed madoobe ayaa sheegay in isku day kale oo Khiyaamo Qaran ah shalay galab lagu fashiliyey Kismaayo, kadib markii ciidamo Kumaandoosta Itoobiya ka tirsan oo la soo kiraystey ay dayeen in la soo geiyo Kismaayo kaasoo ugu danbayn guuldarreystey.
Wuxuu sheegay in doorashooyinka dawlad goboleedyadu ay midba midda ka danbeysa Daaha ka sii rogayso sida dalka Soomaaliya iyo taladiisii loo hoos geeyey Dawladda Itoobiya.
Qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay ayaa u qornaa sidatan:-
Ciidamada Itoobiya ee arrimo hoosaadka Doorashooyinka Kismaayo loo adeegsanayo oo hadba weji cusub la soo baxaya waa khiyaano Qaran oo xafiiska madaxweyne Farmaajo uu ku dhacayo.
Kanaaladii kol hore la sheegay in la soo xidhay sow uma eka kuwo qaranimadii iyo madaxbanaanidii Soomaaliya baabi’inteeda lagu soo bedeshay.
Isku day kale oo Khiyaamo Qaran ah ayaa shaley galab lagu fashiliyey Kismaayo, ka dib markii ciidamo Kumaandoosta Itoobiya ka tirsan oo la soo kiraystey ay si tahriibis ah isugu dayeen In lagu soo gelsho Kismaayo kaasoo ugu danbayn guuldarreystey.
Doorashooyinka dawlad goboleedyadu waxey midba midda ka danbaysa daaha ka sii rogaysaa sida dalka Soomaaliya iyo taladiisii loo hoos geeyey Dawladda Itoobiya, laakin kaasi waa mashruuc la soo tijaabshay oo guulaysan waayey ee yaan kabuhu idinka dhammaan.
Xildhibaan Axmed Fiqi