War Degdeg ah: Ciidammo Katirsan Jabhadda Caarre Oo Saaka Ku Waabberiistey Degaanno Bariga Ceerigaabo ah

 

Boossaaso(OWN) Ciidammo katirsan Jabhadda Gen-Caarre ee Fadhigoodu yahay Magaalada Qardho ee Puntland islamarkaasna adeegsanayey gaadiidka yaryar ee dagaalka ayaa sida la sheegay waxay subaxnimadii hore ee saaka gaadheen degaannada Biyo-guduud oo dhwr iyo toddobaatan KM jahada bari kaxigta magaalada Ceerigaabo iyo Dhoob oo 70KM jahada bari kaxigta magaalada Ceerigaabo iyo weliba Jiidali oo 50KM jahada bari kaxigta magaalada Ceerigaabo.

 

Ciidammadan ayaa sida ay sheegeen bulshada degaannadaas qaarkood waxa saraakiishii wadatey oo uu Caarre kamid yahay ay la hadleen dadweynihii magaalooyinkaas kusugnaa iyagoo u sheegay inay fadhiisinno ciidan ka yagleelan doonaan degaannadaas iyo askar cusub inay ka qoranayaan iyo waxyaabo kale.

 

Ciidammada millateriga Somaliland oo adeegsanayey gaadiid tikniko ah ayaa iyagana la sheegay inay barqa-gibintii saaka magaalada Ceerigaabo uga kolayaysteen dhinaca degaannada lagu sheegay in jabhaddaasi tagtay, lamase oga ilaa hadda inay kulmeen labadaas ciidan iyo inkale, mana jiro wax war arrintaas kusaabsan oo xagga xukuumadda Somaliland kasoo baxay.

 

Dhinaca kalena ma aha markii kowaad ee jabhadda Gen-Caarre hoggaamiyo sidan oo kale ay gaadhey degaannada gobolka Sanaag balse waxa jirey dhawr jeer oo xataa mararka qaarkood jabhaddani hawlgallo kala duwan ka fulisey degaannada gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo.

Oodweynenews.com/Boossaaso

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker