Turkey: Soomaali dhac iyo dil loogu geystay magaaladda Istanbul
Waxaa magaaladda Istanbul ee dalka Turkey ku dhintay Bashe Xooosh Jibril oo ahaa qareen kamid Soomaalida ku dhaqan dalka Canada.
Allaha u naxariisto ee Axadii hore ee ay bishu ahayd 12/6/2021 ayaa Bashe waxaa magaaladda Istanbul ku weeraray oo dhaawac iyo dhac u geystay saddex qof oo isaga oo goob suuq ah lugaynaya si lama filaan ah u weeraray.
Sida ay dad goob joog ahaa sheegeen Bashe ayaa waxaa is hor istaagay labbo qof, waxaa weeraray oo xaga dambe ooga yimid qoortana ku dhuftay qof kale. Jugtii iyo wixii qoorta looga dhuftay ayaa sababtay in uu Bashe dhulka ku dhaco oo uu miyir beelo, markii uu dhulka ku dhacay dhaawacii iyo nabarkii soo gaaray daraadeed waxaa xatooyo iyo baarasho dhac ah ula kacay nimankii iyo saddexdii qof ee weeraray marxuun Bashe.
Allaha u naxariisto Bashe oo weli dhulka yaala ayaa waxaa arkay qof dhakhtar ah oo meesha marayey, dhakhtarkii ayaa isku dayey in uu caawiyo Bashe, waxaa sidoo kale goobta soo gaaray Shaqaalaha caafimaadka ee gurmadka degdega ah. Bashe ayaa loola cararay Isbitaalka, wuxuuna ku dhintay Isbitaalka isaga oo u dhintay dhaawacii loo geystay.
Ciidanka Booliiska ayaa sheegay in ay qabteen saddex qof oo labo kamid ahi ay yihiin Dhallinyaro da’doodu ka yartahay 18 sanno. Booliiska ayaa sheegay in labadda dhallinyarada ah lagu soo oogay dambi dhac iyo xatooyaha ah.
Ninka saddexaadna lagu soo oogay dambi dil ah. Ninka dacwada dilka lagu soo oogay ayaa weli xiran, balse labadda dhalliyarada ah ayaa xabsiga laga sii daayey.
Dilkan iyo dhacan loo geystay marxuun Bashe Xoosh Jibril oo ahaa qareen ayaa dhacay wakhti subax ah, waxayna ka dhacday goob suuq ah oo ay dadka dalxiiska u yimaada magaaladda Istanbul iyo dalka Turkiga ay ka adeegtaan ama ay booqdaan.