Boris Johnson xoghayihii arrimaha dibeda ee Dalka Britain oo Xilkii iska casilay
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka UK Boris Johnson ayaa iscasilay iyadoo arrintani ay dhabar jab ku noqonaysa dowlada ay madaxda ka tahay Theresa May iyadoo uu soo if baxay khilaaf ku saabsan ka bixitaanka Briatin ay kaga baxayso midawga yurub
Is casilaada Johnson ayaa ku soo beegantay maalin kaddib markii uu is casilay David Davis wasiirkii u qaabilsanaa dowlada Ingiriiska ka bixitaanka Midowga Yurub.
Afhayeen u hadlay Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa xaqiijiyay in uu is casilay xog-hayihii arrimaha dibada Boris Johnson
“Galabta ayeey ra’iisul Wasaaraha aqbashay is casilaada Boris Johnson ee xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda,bedelkiisana waxaa lagu dhowaaqi doonaa goordhow waana ugaga mahadcelineynaa howlihii uu soo qabtay,”ayaa lagu sheegay war ka soo baxay afhayeenka ra’iisul Wasaaraha Britain.
