Laba Qof Oo Ku Dhintay Booyad Shidaal Sidday Oo Shalwatay Biriij U Dhexeeya Berbera & Burco

Allaah ha u naxariistee Laba Qof ayaa ku Geeriyooday Shil Naxdin leh oo Shalay ka dhacay Jidka u dhexeeya Magaalooyinka Berbera iyo Sheekh, gaar ahaan Biriijka loo yaqaanno Kala-jabka.

Booyad nooca Shidaalka qaadda ah oo u socotay dhanka Magaalada Burco ayaa ka dhacday Biriijka Kala-jabka, ka dib markii Dirawalkii Gaadhiga waday uu isku dayey inuu Gaadhiga ka weeciyo God weyn oo dhex samaysmay Biriijka dushiisa, kaasi oo aan Wax Calaamad ama Digniin ah oo muujinaysaa oolin xilligaas, laakiin Gaadhigii Booyadda ahaa ayaa ka Shalwaday Biriijka oo dhowr Mitir ka sareeya Dhulka, waxaana halkaa ku Geeriyooday labadii Qof ee gaadhigaa saarnaa, kuwaasi oo kala ahaa Dirawalkii Booyadda iyo Kaaliyihiisii (Kirishbooy).

Qaar ka mid ah Dirawalladii waday Gaadiidkii daba-socday Gaadhiga Dadku ku dhinteen oo la hadlay Saxaafadda oo halkaa gaadhay ayaa ka warramay waxay arkayeen markii Shilkan naxdinta lihi dhacayey “Gaadhigu wuxuu Lugta la galay halka Go’an (Godka) ee Biriijka, Dirawalkuna wuxuu ka dhuftay Godkii uu Taayirka la galay, dabadeed Gaadhigii biriijka ayuu ka dhacay..” ayuu yidhi, mid ka mid ah Dirawallada shilkan ka hadlay, waxaanu intaa ku daray “Godkani Maalin walba wuu soo waynaadaa, Maanta waxa ku Geeriyooday Shilkan ka dhacay Laba Nin, waana Gaadhigii Saddexaad ee halkan ku cawarma. Shidaalkii Gaadhigu siday waaka halkaa qul-qulay, markaa waxaanu u sheegaynaa Masuuliyiinta Dawladda in meeshan wax laga qabto.”

Dirawal kale oo Daba-socday Gaadhiga Dadku ku dhinteen ayaa sheegay “Wax Calaamad ah oo Godkaa Biriijka ka dul-samaystay yaallay ma jirin markii Gaadhigu dhacay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Gaadhigii Saddexaad ee halkaa ku dhaca, Dawladduna Cashuur ayuun bay ka qaaddaa Gaadiidka.”

Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka Gobolka Saaxil oo isaguna Warbaahinta la hadlay ayaa ka warramay sida Shilku u dhacay “Gaadhigani wuxuu ka soo baxay Saaxil, waxaanu u socday Bariga, waxa la socday Dirawalkii waday iyo Kirishbooygii, wuxuu ka soo duulay Biriijka Kala-jab, labadiiba way dhinteen, dhaawac baa Cisbitaalka lagu geeyay, laakiin labadiiba way dhinteen waxna may kala dambaynin..”ayuu yidhi, Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka ee Gobolka Saaxil, waxaanu u soo jeediyey Dirawallada Gaadiidka inay taxadar muujiyaan marka ay Safarrada ku jiraan, gaar ahaana marka ay Biriijyada dul-marayaan “Gaadhigu wuxuu ahaa Booyad isa-saaran, gaar ahaan kuwa loo yaqaanno 8 boollaha ah, wuu kala go’ay markii uu Biriijka ka soo dhacay..”

Godka ka dul-samaysan Biriijka Kala-jabka ee Shalay sababay in Gaadhiga Dadka ku dhinteen ka dhaco, ayaa ah God ay Dadka jidka isticmaalaa muddo dheer arkayeen, waxaana la sheegaa in dhowr jeer wax laga qabtay, laakiin sababo aan la aqoon ayaa uu u burburaa, wallow Dirawallada qaarkood Shalay sheegeen in Dad ujeeddooyin lihi si ku talo-gal ah Godkaa uga dul qodaan Biriijka.

Waxa xusid mudan in Maayarka Berbera, Cabdishakuur Ciddin uu booqday halka Shilkani ka dhacay.

Ugu dambayn, Allaah ha u naxariisto labada Nin ee ku Geeriyooday Shilkaa Naxdinta leh ee Shalay ka dhacay biriijka Kala-jabka, Ehelkoodiina Samir iyo iimaan haka siiyo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker