War-Deg Deg Ah: Qarax Xoogan Ayaa Goor dhawayd Ka Dhacay Meel Wax Yar Ujirta Madaxtooyada Soomaaliya.

Muqdisho-(OWN)-Qaraxan oo ahaa mid xoogan oo inta badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goor dhawayd ka dhacay nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya.

Gaar ahaan Qaraxan warar kala duwan ka soo baxayaan ayaa ka dhacay Barkootarool oo aan ka fogeyn Tiyaartarka Qaranka, waxaana la arkayay Uurada Qaraxa oo cirka sare isku shareertay.

Lama oga in uu ahaa Weerar Ismiidaamin iyo in uu ahaa Qarax gaadhiga lagu soo raray oo goobta la dhigay, sidoo kale wali wax war ah kama aysan soo bixin khasaaraha ka dhashay Qaraxan oo ahaa mid xoogan oo jugtiisa siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Muqdisho.

Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Oodweyne/News.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker