Eritrea Oo 10 Qodob ku Eedeysay Qatar Kadib Khilaaf Culus Oo ka Dhex Qaraxay.

Xiisad xooggan ayaa ka dhex dillaacay Qatar iyo Eritrea oo ah laba ka mid ah dalalka Xulafada la ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa qoraal ay maanta oo khamiis ah soo saartay waxa ay ku eedeysay Qatar in dalkooda ka waddo kicin dadweyne, khaarijin, dhibaateyn dhaqaale, iyo kharbudaad dhinac walba ah.

 

“Kadib markii sanadkan ay Qatar ku guul darreysatay inay Sudan u adeegsato masrax ay kasoo qaado ficillo Argagixiso oo ka dhan ah Eritrea, naf la-caarinimada Qatar sare ayey usii kacday ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

Wasaaradda ayaa soo bandhigtay 10 dhibaato oo ay sheegtay in Qatar ay ku hayso Eritrea, kuwaas oo kala ah:

 

1 – Inay dib isugu Abaabushay Hogaamiyayaasha mucaaradka Eritrea, mideysayna  Ururadooda, islamarkaana ay siisay taageero lagama maarmaan u ah.

2 – In aysi gaar ah diiradda u saartay dhallinyarada Eritrea, mideysayna  Ururadooda, islamarkaana kicisay si ay uga qeyb qaataan ficillo kacdoon oo ka dhan ah dowladda Eritrea.

3 – Inay xagjirnimo diimeed ku beertay mucaaradka Islaamiyiinta ah ee Eritrea, sidaas darteedna ku dhiiri-gelisay Musilimiinta Eritrea inay qaadaan kacdoon ka dhan ah muwaadiinta kale.

 

4 – Inay kala qeybsanaan jinsiyeed iyo nacayb ku dhex beertay shacabka Eritrea.

 

5 – Inay billowday dadaal ay ku dhiirigelineyso dibad-baxyo ka dhan ah dowladda Eritrea oo ka dhaca magaalooyinka dalkaas.

 

6 – Inay Tababar Militari gudaha dalka Sudan ku siisay xubno mucaarad ah oo ka tirsan kooxda Ikhwaanul Muslimiin, tababarkaas oo ku saabsan sida loo aaso miinooyinka, loo fuliyo weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, iyo dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah saraakiisha dowladda ee caanka ah, ayna fududeysay sidii xubnaha loo soo gelin lahaa dalka Eritrea, si ay u fuliyaan howl-galladooda.

 

7 – Inay khaarijisay Hoggaamiyayaal saameyn leh oo Eritrean ah.

 

8 – Inay Eritrea ka fulisay ficillo lagu wiiqayo dhaqaalaha Eritrea.

 

9 – Inay sare u qaaday dacaayad cadaawad ku dhisan oo ka dhan ah Eritrea.

 

10 – Inay Xadgudubyada Xuquuqda aadanaha Eritrea ka buun-buunisay Ururada caalamiga ah iyo dalal shisheeye, ayna u adeegsatay baahinta dukumentiyo iyo muuqaalo been abuur ah.

 

Qatar ayaa horey sidan oo kale waxaa taageeridda Argagixisada ugu eedeeyey dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain, kuwaas oo xiriirka u jaray.

 

Madaxweyne Farmaajo wuu diiday markaas inuu xiriirka u jaro Qatar, maadaama la rumeysan yahay inay ka dambeysay inuu ku guuleysto doorashadii 2017.

Si kastaba, xiisaddan cusub aya aku qasbi karta inuu dhan raaco.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker